Ugu yaraan 43 qof ayaa ku geeriyootay dooni shalay ku degtay Xeebta Tuulladda Burqa Rashiid ee kaabiga ku haysa Badda Mediterranean Sea, isla markaana masaafo ahaan 140 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Qaahira.
Doonidaasi ayaa la sheegay inay la socdeen qiyaastii 600 Tahriibayaal u kala dhashay dalalka Masar, Somalia, Sudan iyo Eritrean, kuwaasi oo ku naalloonayey inay Tahriib-baddeed ku gaaraan Xeebaha Europe.
Mana kala cadda dalka rasmiga ee ay Doonidaasi ku sii jeeday, balse, waxaa la rumeysan yahay inay doonida ku wajahnayd Xeebaha dalka Talyaaniga.
Saraakiisha dalka Masar waxay sheegeen in la soo badbaadiyey 154 qof, waxaana weli la la’ yahay 400 oo ka mid ah Tahriibayaashii la socotay doonida ku degtay Xeebaha dalkaasi.
Saraakiisha Gurmadka ayaa iyagana sheegay in la helay maydadka 31 qof oo ay ku jiraan 20-rag ah, 10-haween iyo ilmo yar.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Masar, Sheriif Ismaaciil ayaa sheegay in la qaadayo Tallaabo kasta oo lagu fulinayo Hawlgalka Gurmadka lagu baadi-goobayo Tahriibayaasha ay doonida kula quustay Badda.
Wuxuuna amar ku bixiyey in kuwa ka mas’uul ah Masiibadaaasi la hor keeno Sharciga.
Dhacdadan ay Tahriibayaal badan ku qaraqmeen Doonida ku degtay Xeebaha dalka Masar ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Caalamka oo uu ku jiro Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi ay ka qeyb galayaan Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM uga socda magaalladda New York, kaasi oo looga hadlayo Dhibaatooyinka haysta Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku dhibaataysan Caalamka.
Ilaa 50 Madax Dowladeed oo ka qeyb galayo Shirka New Yorrk ayaa ballan-qaaday inay muddo hal sanno gudaheedaku qaabili doonaan 360,000 oo Qaxooti ah.
©Radio Dalsan