Abaarihii 4:55 daqiiqo ee gelinkii dambe ee shalay waxaa Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi waxaa si halhaleel ah ku soo caga-dhigatay Diyaarad ka timid Somalia.
Diyaaradda ayaa waxay waxyeello soo gaartay markii ay soo caga-dhigatay Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan (runway), waxayna Diyaaradda candhada dhigatay Garoonka, waxayna ka baxday Jihadda dhabaha ee ay ku soo degtay.
Hadal qoraal oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Hay’adda Kenya ugu qaabilsan Maamulka Garoomadda Diyaaradaha ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaasi oo ay la socdeen 4 qof ay si degdeg ah u soo caga-dhigatay Garoonka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in si KMG loo xiray Garoonka Diyaaradaha, si halkaasi looga jiido Diyaaradda shilka ku gashay oo nooceedu ahaa Fokker Plane.
Dhinaca kale, Shirkadda Skyward oo leh Diyaaradda burburtay ayaan weli ka hadlin shilkaasi.
Diyaaradihii Calaamiga iyo kuwa Gudaha ee ku degi jirey Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ayaa loo wareejiyey Garoonka Mombasa iyo kuwo kale.
Lama oga xilliga dib loo furi doono Garoonka Jomo Kenyatta International Airport.
©Radio Dalsan