Maraykanka oo ka digay Socdaal lagu tago dalka Kenya cabsi laga qabo weeraro ay Alshabaab ka geystaan dalkaasi

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda  inay khatar dhinaca Safarka iyo Amniga kala kulmi karaa haddii ay safar ku tagaan dalka Kenya.

Digniintan cusub ayaa la sheegay in lagu beddelay Digniintii dhinaca Safarka Kenya ee la soo saaray bishii June 19-dii ee sannadkii hore ee ku aadanaa Xaalladda Ammaanka ee Kenya.

Muwaadiniinta Maraykanka ee haatan ku sugan gudaha Kenya iyo kuwa qorsheynaya inay safar ku tagaan looga digay inay tagaan goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Hoteeladda, Xeebaha loo dalxiis tago, Xarumaha Dukaamadda, Baararka, Bosteejooyinka laga raaco Basaska iyo goobaha  lagu cibaadaysto.

Waxaa kaloo lagula taliyey inay raacaan Taksiyadda sumadda muuqata leh, isla markaana ay aad isaga xiraan albaabadda iyo daaqadaha Hoteelladda ay deggan yihiin.

Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Marayknka waxaa kaloo uu ugu baaqay Muwaadiniintooda  inay ka feejignaadaan  cabsida laga qabo Kooxaha Argagixisadda iyo Deegaanadda kale ee ay ka  dhacaan dembiyadda qalalaasaha wata

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor