Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay  galabta Maqribnimadii Magaalada muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhawaac leh.
Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxayaabaha qarxa ayaa la sheegay ka dhacay Maqaayad ka agdhaw Koontorool si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana  uu isku qarxiyay Maqaayad lagu magacaabo Blue-SKY oo sida la sheegay aad u masxhquul badnayd goorta uu qaraxu dhacay.
Khasaare kaal duwan ayaa ka dhashay Qaraxa, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qaraxaan uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana dhaawacyada isugu jiraan kuwo fud-fudud iyo kuwo culus intaba.
Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxa, waxaana sheegtay  in qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan Meydkiisa la aqoonsan.†Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid si weyn loo adkeeyo ammaan keeda, waxaana maqaayadda ay ku taalla bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ka aq dhawyihiin goobo kale oo ammaankooda la ilaaliyo.