Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedkaย Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka amniga Magaaladaas xalay ay toogasho ku dileen ruux hubeysnaa.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Ninkaas uu ku hubeysnaa Bastoolad,isla markaana isku dayay inuu galo Saldhiga Booliska Dhuusamareeb,hayeeshee ay toogteen Ciidamada amniga.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidanka amniga iyo Ninka ku hubeysnaa Bastoolada ay rasaas xoogan dhexmartay,balse ugu dambeyntiiย lagu dilay agagaarka Saldhiga uu doonayay inuu galo.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in saakay Ciidamada amniga Magaalada Dhuusamareeb halkaas ay ka wadaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.