Faah faahin:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay goordhaweyd Magaalada Muqdisho, gaar ahaa Isgoyska Jubba.

Qaraxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa sarta Jubba iyo xarunta taliska Booliska Gobolkani Banaadir, waxaana goobta la beegsaday ku sugnaa dad shacab ah iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa si weyn jugtiisa looga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Caasimadda, waxaana xigay dhawaqa rasaas ay fureen Ciidanka Dwoaldda.

inta la xaqiijiyay dhimashada ayaa gaaraysa Seddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Askarta Dowladda, halka qofka kale uu yahay ruuxii fuliyay qaraxa, waxaana sidoo kale jira tiro intaa ka badan oo ku dhaawacntay Qarax inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhaawacmay qaraxaan uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen qaraxa, taasi oo khasaaraha guud ee Ciidanka soo gaaray ka dhigaysa labo dhimasho ah iyo labo dhaawac ah.

Wali laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah kama soo saarin qaraxaan ismiidaaminta ah, sidoo kale ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, basle weerarada noocaan oo akle ah waxaa looga bartay dagaalamaayasaha Al-Shabaab, oo inta badan fuliya weerarada qaraxyada ah ee lala beegsado Ciidanka Dolwadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor