Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Qaraxii Maanta ee Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku taalla meel ku dhow Baar Bulsho ee Nawaaxiga Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Cumar Xasan Saalax Dheere oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxaas uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uuna isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir in qaraxaas oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Caasimadda uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Saalax Dheere ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin 1 Qoys, isla markaana loo qaaday Xarun Caafimaad, hayeeshee markii la geeyay Isbitaalka ayaa waxaa geeriyooday 3 ka mid ah qoyska.

Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar ahaan suuq yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin 1 Qoys, Inkastoo markii danbe ay Isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyskii. Allaha u naxriisto” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya si loo badbaadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media