Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaas ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen dad aan la Cadeyn waxa ay ahaayeen, waxaana uu gaariga qaraxu haleeyay xili uu mararay inta u dhexeeysa Xaawo-Cabdi iyo deegaanka Lafoole.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Afar ruux oo la tilmaamay inay la socdeen gaariga uu qaraxu qabsaday, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo halkaas ka Agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn halka uu qaraxa ka dhac ayaa tegay goobta, iyagoona sameeyay  baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, hayeeshee Qaraxyada noocaan oo kale ayaa waxaa mararka qaarkood lala eegtaa Ciidanka dowladda xiliyada halkaas ay socdaalka ku marayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media