Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ka u ah Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay qarax khasaare kala duwan gaystay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada iyo Masaajidka Jaamaca ee Kismaayo, waxaana qaraxa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafada ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo, waxaana xiliga uu qaraxu dhacayay Masaajidka ku tukanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbland Shaafi Raabi Kaahin ayaa lasoo weriyay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ku jiray Masaajidka, waxaana soo gaaray dhaawac Culus, iyadoona loola cararay Xarun Caafimaad
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay qaraxaas ismiidaaminta ah, balse waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay.