Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo duleedka Degmada Mahaaday ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Qaraxaas oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa uu Ciidanka Burundi ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buurane oo qiyaastii 3-KM u jira degmada Mahadaay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen jugta qarax xoogan ayna sheeda kore ka arkayen qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, halka kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa looga hadlay weerarkaas, iyagoona sheegtay inay halkaas ku dileen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi.
Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka AMISOM oo ay uga hadlayaan Qaraxii Askarta Burundi lagula eegtay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Inta badan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weeraro ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta deegaanada maamulka Hirshabeelle, waxaana weeraradaas ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.