Shil gaari ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, waxaana Shilkaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya.
Goobjoogayaal ah la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu yimid, kadib marki ay isku dhaceen Mooto Bajaaj xawaare ku socotay iyo gaari nooca xamuulka qaado ah, xili ay wadada isaga hor yimideen.
Hal qof oo ahaa Darawalkii waday Mooto Bajaajta ayaa dhaawac Culus kasoo gaaray Shilkii ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, isla markaana waxaa gebi ahaan burburtay Mootada.
Dad goobta ka Agdhawaa ayaa Darawalka geeyay Xarun Caafimaad, waxaana markii dambe halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka, iyadoona goobta laga qaaday burburka Mootada, sidoo kalena laga jiiday gaariga weyn.
Waddooyinka waaweyn ee Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada.