Jugta qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxaas uu si gaar ah uga dhacay meel ku dhow Masaajidka Al-raxma oo ku yaalla wadada Jeneraal Daa’uud.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa miino lagu xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf oo yaallay meel ku dhow Masaajidka Al-raxma ee wadada Jeneraal Daa’uud, isla markaana mar qura qarxay, sida ay Idaacadda Dalsan u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray dad shacab ah oo goobta marayey, waxaana durbo halkaas tegay gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir oo demiyay dab ka kacay gaariga qarxay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku gamaaday aaga oo dhan, isla markaana dadweynaha iyo gaadiidka u diidaya inay maraan wadada, sidoo kalena ka wada baaritaano ku aadan qaraxaas dhacay.