Wararka aan ka heleyno Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhow Magaaladaas laga maqlay jugta tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay qeybo kamid ah Magaalada.
Dad ku sugan Baraawe oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in la maqlay jugta ilaa saddex madfac oo laba kamid ah ay ku dhaceen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Baraawe oo ay ka socoto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Sidoo kale hal hoobiye kale ayaa ku dhacay xeebta Magaalada Baraawe, waxaana Madaafiicda, kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan ee Magaaladaas.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay maadaafiicda ku dhacday meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baraawe, waxaana halkaas ka socota doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.
Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin farabadan oo doonaya inay u tartamaan doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee taalla Baraawe.