Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab Gabaldhicii Caawa ku dhexmaray duleedka degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Koonfur Galbeeed iyo kuwa Al-Shabaab ay isku heleen deegaan lagu Magacaabo Mad-Sheekh ee 23km u jira Degmada Bardaale.
Lama oga weli khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse Maamulka degmada Bardaale ayaa waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen Al-Shabaab isla markaana ay Guulo ka gaareen dagaalkaas.
Sikastaba weli dhankooda kama hadlin dagaalkaas Al-Shabaab,waxana Wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in deegaanadii lagu dagaalamay ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya.