Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa uu Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal gaari oo waday kuwa nooca xamuulka qaado ah.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in muran yar uu soo kala dhex-galay Darawalka iyo Askariga ka tirsan dowladda ee dilka geystay.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu dilka ka dhacay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in Darawalka la dilay uu waday gaari xamuul ah oo siday qalab dhismo gaar ahaan biraha shubka ah.
Askarigii ka dambeeyay dilkaas ayaa waxaa la tilmaamay in goobta uu si Deg-deg ah uga baxsaday, waxaana Meydka Marxuumka halkaas kasoo qaaday dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.
Inta badan Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa Magaalada Muqdisho dilal bareer ah u geysta dad shacab ah iyo Darawalada gaadiidka oo ay ugu badan yihiin dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.