Xukuumadda Somalia oo Oggolaatay Heshiiska Kaalmada Deyn-cafinta Norway

Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media