Faah faahin:-Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah-faahino dheeraad ah.

Dgaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Nabadsugida NISA ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-jaale ee duleedka Baladweyne, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal muddo  kooban socday.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, wallow markii dambe dagaalka si iskiis ah uu u istaagay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka NISA ee Baladweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan, In kastoo aan la cadeyn.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan weeraro ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka iyo gudaha Magaalada Baladweyne, waxaana Baladweyne maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay falal amni darro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media