Waxaa weli dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwo taageersan Wasiirka Amniga Jubbaland uu ka socdaa duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Xero lagu magacaabo BP1 oo Ciidanka Jubbaland ay ku leeyiin duleedka Balad-xaawo Gobolka Gedo gaar ahaan meel u dhow Xuduudka Kenya.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa gubanaya Guryo ku dhow Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Nation oo ay kusoo dhaceen tiro madaafiic ah.
Dad ku sugan Balad-xaawo ayaa soo sheegaya inay maqlayaan jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan labada dhinac ayna aad u kacsan tahay xaalada Balad-xaawo, waxaana dadka ay yihiin kuwa aad u cabsanaya.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoona ay xusid mudan tahay in labada dhinac mudooyinkii dambe ay u dhaxeysay xiisad dagaal.