Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay isku dayeen in ay xoollo ka qaataan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacagta iyo xoollaha.
Qaar ka mid dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan Al-shabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray iyo dadka deegaanka waa sida hadalka loog dhigay.
Billihii ugu dambeeyay ayaa waxaa socday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,kuwaasi oo ay sameeynayeen Ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM,isla markaana ka socday deegaano ka tirsan Gobolada dalka.