Warar dheeraad aha ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo Alshabaab iyo kooxda Macawiisley ku dhex maray deegaano ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii sida la shegay Kooxda la magac baxday Macawiisley ay weerar gaadma ah ku qaadeen Saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin xadka kala qeybiya gobolada Bakool iyo Hiiraan.
Horjoogayasha Macawiislayda ayaa dalsan u sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen si kooban deegaanada ay weerarka ku qaadeen,waxaa kale oo ay sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan Shabaab hubna ay ka qabsadeen.