Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu weerar ku qaaday goob ay ka socotay Dabaaldeg Sannadeedka dhanka cuntada oo lagu qabtay qabtay Degmadda Gilory oo 48 KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda San Jose ee Gobalka California ee dalkaasi.
Ugu yaraan 3 qof ayaa la soo weriyey inay ku geeriyoodeen Toogashadaasi, kadib, markii uu Nin hubeysan uu tacshiirad ku furay dad isugu soo baxay goobta uu ka socday Dabaaldega, sida ay sheegeen Boliska iyo Saraakiisha Isbitaalka.
Wargeyska The New York Times ayaa qoray inay 3 qof geeriyootay, 12 kalena ku dhaawacmeen Toogashadaasi, isla markaana la qabtay Nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Toogashadaasi.oo dhacday Oogtii hore ee saakayto oo Isniin ah (Abaarihii 01-dii Habeenimo ee Xilliga GMT).
Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa laga dheehan karaa lagaa iyadoo ay dadkii ka soo qeyb galay Dabaaldegaasi ay isku dhex yaacaan, iyagoo baqdin darteeda u kala cararay.
Madaxweyne Donald Trump waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu dadka ku sugnaa Dabaaldegaasi , wuxuuna qoraalkiisa ku soo koobay: “Noqda kuwa taxadara iyo Ammaan”
Dabaaldeg Cunteedkaasi oo la asaasay muddo haatan laga joogo 40-sanno waxa uu socdaa muddo 3 malamood, iyadoo lagu soo bandhigayo noocyadda Cuntada, Sharaabka, Madadaalo Toos ah iyo Tartan Cunto-karin ah.