Idaacadda FANA oo ku taalla Addis Abeba ayaa sheegtay inay 23 Maxbuus ku geeriyoodeen dab habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay ka kacay Xabsiga aadka loo ilaaliyo ee QILINTO.
Idaacaddu waxay kaloo baahisay in 9 Maxbuus iyo Hal Askari laga daaweeyey dhaawacyo.
Hadal Qoraal oo Dowladda Ethiopia shalay soo saartay ayaa lagu sheegay inay Maxaabiistaasi ku geeriyoodeen Is-buurasho, halka kuwo kalena ay ku caburmeen Qiiqa ka dhashay Dabkii qabsaday Xabsiga QILINTO.
Dhinaca kale, Warbaahinta Maxaliga iyo Kooxaha Mucaaradka ayaa Sabtidii sheegay in Is-rasaasayn laga dhex maqlay gudaha Xabsiga QILINTO oo ay ku xiran yihiin Maxaabiista Siyaasadda.
©Radio Dalsan