Xoghayaha Guud ee Guddiga Boqorka Sacuudiga u xil saaray Barnaamijka Xujeyda gudanayso Waajibaadka Xajka ee sannadkan, Sheekh C/llaahi Al-manlaj waxa uu Magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama kula kulmay Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle iyo Wafdi la soday.
Wargeyska Alyoom ee ka soo baxa magaalladda Riyadh ayaa qoray in Kulankaasi looga hadlay sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Gudashadda Xajka oo dhawaan bilaaban doona
Danjire Daahir Maxamuud Geelle waxa uga mahad celiyey Taageeradda Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Dowladda Sacuudiga la garab taagan yihiin Dowladda Federalka iyo Ummadda Soomaaliyeed
Danjiruhu waxa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga door lafdhabar ah ka qaataan Qaddiyadda Ummaddaha Islaamka iyo Xoojinta Midnimadda Caalamka Islaamka.
©Radio Dalsan