Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Geeska Afrika oo la soo magacaabay

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Gutteres waxa uu Diploomaasi u dhashay dalka Gaaboon oo lagu magacaabo Parfait Onaanga-Anyanga

u soo magacaabay Ergaygiisa Khaaska ee Geeska Afrika.

Ergayga cusub oo 59-jir ah  waa Khabiir wax badan ku soo kordhiyey Hawlaha QM, waxa uu inta badan ahaa Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan dalka Afrikadda Dhexe iyo Madaxa Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM ee hawlaha Xasilinta u jooga dalkaasi ee loo yaqaano  (MINUSCA).

Diplomaasiga Parfait Onaanga-Anyanga waxa uu sannadkii 2015-kii ahaa Xiriiriyaha Xarunta Dhexe ee QM  ee ka-jawaab-celista Xiisadda Kooxda hubeysan ee Boko Hraam.

Sannadihii 2012-kii ilaa 2014-kii waxa u uahaa Madaxii Xafiiska QM ee dalka Burundi  (BNUB) iyo Xiriiriyaha Sare ee Ballarinta Nidaamka ee isla dalka Burundi.

Sannadihii 2007-dii ilaa 2012-kii waxa uu ahaa Agaasimaha Xafiiska Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM.

Diplomaasiga Parfait Onaanga-Anyanga waxa uu La-taliye Khaas u ahaa Madaxweynaha Shirarkii 60-aad iyo 61-aad ee Golaha Guud ee QM sannadihii 2005-tii ilaa 2007-dii.

Sidoo kale waxa uu ahaa  Kaaliyihii Madaxii Shir-guddoonka ee  Shirkii 59-aad ee Golaha Guud ee QM sannadihii 2004-tii ilaa 2005-tii.

Sidoo kale, sannadihii 1998-dii ilaa 2004-tii waxa uu Xilal kala duwan  oo Siyaasadeed iyo Maareynta ka soo qabtay Ururka QM ugu qaabilsan Heshiiskii lagu mamnuucay Tijaabinta Hubka Nukliyeerka ee magaallooyinka New York iyo Vienna.

Waxa uu kaloo ahaa Ku-simaha Guddiga La-talinta ee Xoghayaha Guud ee su’aalaha Ammaanka ee dalka Afrikada Dhexe iyo La-taliyaha Koowaad ee Arrimaha Siyaasadda iyo Hub-ka-dhigista ee Ergadda Joogtadda ee dalka Gaaboon u joogta Xarunta dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Geeska Afrika, Parfait Onaanga-Anyanga waxa uu haystaa Shahadada Koowaad ee Cilmiga Siyaasadda  ee Jamaacad ku taalla caasimadda dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Paris 1 Pantheon-Sorbonne University.

Sidoo kale, Ergaygu waxa uu haystaa Shahaadada Master-ka ee Cilmiga Bulshadda ee Jamaacadda Omar Bongo University oo ku taalla Caasimadda dalka Gaaboon ee Liberfiil.

Si kastaba ha ahaatee, Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Geeska Afrika, Parfait Onaanga-Anyanga waa Xaasle 3 carruur leh.

Sponsered

Comments
Loading...