Madaxweynaha Turkiga waxa uu hadalkaasi ku sheegay Maqaal uu ku qoray Wargeyska Washington Post.
Waxa uu xusay inay la’ yihiin maydka Saxafigaas oo ay doonayeen inay u aasaan si Munaasab ah oo waafsqsan Shucuurta Islaamka.
Madaxweynaha Turkiga waxa kale oo uu tilmaamay inuu Dowladda Sacuudiga ka soo baxay dilka Saxafigaas, balse waxa uu meesha ka saaray inuu Boqor Salmaan ku lug lahaa Amarkaasi.
AUN Jamal Khashoggi waxaa bishii hore 2-dii lagu dhex dilay Dhismaha Qunsulliyadda Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.
Xigasho: Washington Post
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin