Eedeysanayaal loo haysto Weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa oo xabsiga lagu sii hayn doono

Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa ayaa  oo amartay in muddo 30 maalmood la sii hayo Shan Eedeysane oo lala xiriirinayo weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay bishii hore ee April 2-dii ku qaadeen Jaamacadda Garissa, oo ay ku geeriyoodeen 148 qof oo u badnaa Arday.

Xilli-kordhintaasi ayaa la sheegay inay Boliska codsadeen, si ay baaritaanno kale ugu sameeyaan Eedeysanayaashaasi oo lagu kala magacaabo  Osman Abdi Dakane, , Mohammed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan, Sahal Diriye Hussein iyo Rashid Charles Mberesero oo lagu naanayso Rexaani Diida.

Eedeysanayaasha oo iyagu muddo hal bil u xirnaa Dembi-baarayaasha Boliska Kenya ayaa la sheegay inay xiriir toos ah ula lahaayeen Alshabaab, sida uu Sarkaal ka tirsan Dacwad-oogayayaasha  shalay ka sheegay Madashii  Maxkamadda Nairobi.

Dacwad-oogahaasi oo lagu magacaabo  Daniel Karuri ayaa tilmaamay in Xogaha laga helay Mobayladda Eedeysanayaasha muujiyeen inay weerarkii Jamaacadda Garissa ka hor iyo kadib la hadleen dad la xiriirinayo Alshabaab oo ku sugan gudaha Kenya iyo dalka Somali, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay Baarayaasha vooqasho ugu ambabaxeen dalka Tanzania, si ay xog dheeraad ah ugu helaan mid ka mid ah Eedeysanaha oo lagu magacaabo Rashid Charles Mberesero, kaasi oo ka soo jeeda dalka Tanzania.

Sharciga cusub ee Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa dhigay in Eedeysanayaasha lagu hyan karo Xabsiga muddo 30 maalmood iyadoo aan la soo taagin Maxkamad.

Xigasho:- Daily Nation

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor