Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta la hakiyay duulimadyadii tooska ahaa ee maalinkasta aadi jiray deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Garoonka diyaaradaha aadan Cadda ee Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Maanta oo Arbaco ah uusan ka bixin wax duulimaadyo ah oo aaday Gobolka Gedo, waxaana la sheegayaa in la joojiyay duulimaadyadii halkaas aadi jiray.
Sidoo kale dad ku sugan Garoonka ayaa tilmaamay in sigaar ah ah loo hakiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Garbahaareey, Luuq, Baardheere iyo Doolow oo ka wada tirsan Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo joojiyay duulimaadyada, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inay tahay arrimo la xiriira baxsashada Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdi Nuur Janan, kaasi oo ka baxsaday gacanta dowladda.
Dad badan oo Maanta u duuli lahaa Garbahaarey, Luuq, Baardheere iyo Doolow, isla markaana tegay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa loo sheegay in uusan jirin duulimaadyo halkaas tegaya, iyadoona safarkoodka dib u dhac uu ku yimid.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baadi goob xoog leh ugu jirta sidii ay u heli laheyd Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa, kaasi oo la qabtay xili uu kusii jeeday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.