Duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo Maanta hakad la geliyay

Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shaaciyay in Maanta hakad la geliyay dhammaan duulimaayada diyaaradaha ee gudaha iyo dibadda ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde illaa maalinta Isniinta 16-ka bishaan May.

Maareeye Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababta duulimaayada Garoonka Muqdisho loo hakiyay ay tahay mid la xiriirta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daraya Maareeye Cabdinaasir Maxamuud in dib loo furi doono duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde maalinta Isniinta ee berri ah, isla markaana howlaha ka socday Garoonka ay ku soo laaban doonaan si caadi ah.

Shalay ayey aheyd markii Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka uu Bandow kusoo rogay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, maadaama Maanta oo Aaxd ah doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka ay ka dhaceyso Teendhada Afisyooni.

Gebi ahaan waxaa la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Caasimadda, waxaana waddooyinka lagu arkayaa oo kaliya Ciidanka Booliska dowladda, iyadoona meelaha qaarkood dadka loo diidayo inay lug ku maraan oo laga celinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor