Wararkii ugu dambeeyay Toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

Toban qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxaana hadda socoda baaritaanno la xiriira in falkaani uu ku salaysanyahay isir nacayb iyo in kale.

Nin 18 jir ah ayaa la xiray ka dib markii uu is taagay goobta uu falku ka dhacay ee magaalada Buffalo. Booliisku ma sheegin magaciisa ninka ay qabteen.

Eedeysanaha ayaa galabnimadii Sabtida soo galay Supermarket mashquul badan ka hor inta uusan rasaasta furin. Waxa uu isticmaalay kamarad si uu weerarka ugu baahiyo khadka internedka sida ay booliisku sheegeen. FBI-da ayaa toogashada ku tilmaantay fal “xagjirnimo ah”.

“Waxaanu baaraynaa dhacdadan inay tahay dembi nacayb iyo kiis cunsuriyad ku salaysan oo xagjirnimo ah,” Stephen Belgia, oo ah wakiilka xafiiska FBI-da ee Buffalo, ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay.

Ninka la tuhunsanyahay inuu weerarka ka dambeyay ayaa la rumeysan yahay inuu gaari waday saacado badan si uu u gaaro goobta wax ka dhaceen ee magaalada.

13 qof ayaa la toogtay inta badan dadka la laayayna waa madow Maraykan ah” , ayuu yiri taliyaha booliiska Buffalo Joseph Gramaglia. Saddex qof ayaa dhaawacyo soo gaareen kuwaas oo dhammaantood ka shaqaynayay goobta ganacsi ee la weeraray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor