Duqeyn lala beegsaday Xarumo muhiim oo ku yaal Talaabiib iyo Garoomada oo la xiray

Dhuun Shidaal oo isku xira Magaalada Tel Aviv iyo Casqalaan ayaa oloshay, kadib, markii uu ku qabsaday Gantaal laga soo tuuray Magaaladda Qasa ee Falastiin.

Dab xooggan ayaa qabsaday Dhuunta Shidaal, sida uu baahiyey Telefishinka Channel 12 ee Israel, waxaana 130 Gantaal lagu duqeeyey Tel Aviv iyo Garoonkii Diyaaradaha.

Sidoo kale, Garoomada Diyaaradaha ee Bartamaha Israel ayaa la wada xiray,  waxaa la joojiyey Duullimaadyadii,  iyadoo Duullimaadyadii ku soo wajahnaa Israel loo jeediyey Jesiiradda Qubrus.

Waxaa kaloo la hakiyey waxbarashada Dugsiyada, iyadoo aysan Ardayda tegi doonin Dugsiyadooda ilaa Amar dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha kataa’ib Cisadiin Qasaam ayaa waxaa ay u muuqdaan inay haystaan Gantaalo Casri ah.

Ilaa 28 Falastiiniyiin oo 10 ka mid carruur ahaayeen ayaa lagu dilay Duqeymaha ay Israel ku hayaan magaalladda Qasa ee Marinka Qasa. 700 oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Duqeymahaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor