Diyaaradaha nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay duqeyn ka fuliyeen Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad iyo Cadaley ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta dhacday lagu burburiyay Saldhigyadyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Mudug, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo ka hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goob sida la tilmaamay ay isku aruursanayeen A-Shabaab.
Saraakiisha ciidanka ayaa intaas kusii daray in howlgalka lagu burburiyay Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos halkaas oo la sheegay in Shabaabka ay ku diyaarinayeen Gaadiid qaraxyo ah.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday qeybo kamid ah Gobolka Mudug, waxaana ciidamada ay howlgalkaasi kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka.