Diyaaraha mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay degaan hoos yimaada Magaalada kismaayo ee Gobolka jubbada hoose
Duqeynta ayaa dhacday Caawa Maqrib nimadii waxayna ka dhacday Saldhig Al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka Beer-beerxaani ee Gobolka jubbada hoose.
Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka general Ismaciil Saxardiid ayaa Idaacada ciidamada qalabka Sida u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahayeen Degaanka Beer Xaani.
Sidoo kale general Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xiliga ay dhacay say ay saldhiga uu shir ugu socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee gobolka jubbada hoose.
Duqeynta ayaa lagu dilay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka jubbada hoose iyo Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa zaka waadka  ee Degaanka Beer-xaani
Maleyshiyaadka lagu dilay Duqeynta waxay Saraakiisha xoogga dalka ay xaqijiyeen in ay gaarayaan 15
General ismaciil Saxardiid Taliyaha Qeybta 43 Aad ee CIidanka Xoogga dalka waxa uu sidoo kale sheegeen in Duqeynta caawa maqribkii ka dhacday beer-xaani ay amartay dowladda Soomaaliya
Taliyaha waxa uu tibaaxay in 2 km ay ugu baxeey Al-shabaab Degaanka beer-xaani
Magacyada iyo sawirrada Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ay sheegeen Saraakiisha xoogga dalka iyo mareykanka in ay soo gubbin doonaan.