Shirka waxaa ka soo qeygalay Wasiirada iyo wasiir ku-xigeenanda Waxbarashada ee dalalka Geeska Afrika, Wakiilo ka socday beesha caalamka, mas’uuliyiinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo marti sharaf kale.
Kulanka waxaa ugu horey ka hadlay Xogyaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhallinta ku dhalata xeryaha Qaxootiga inay helaan waxbarasho.
Mustafa Maxamed Maxamuud Wasiirka Waxbarashada ee Jabuuti oo shirka ka hadlay ayaa soo dhaweyn u mujiiyay Madaxdii shika ka soo qeyb gashay.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah siinayo carruurta qaxootiga ah ee ku nool xeryaha dalalka geeska Afrika ku yaala.
Shirka waxaa looga dooday sida loo jiheyn karo waxbarashada dhallinyarada, isla markaana ay wax ku bartaan manhajka hadba dalka ay ku noolyihiin oo ay Qaxootiga ku yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed aya sheegay in kulanka uu muhiimad gaar ah u leeyahay isdhexgalka iyo wada noolaanshiyaha bulshada ku nool wadamada geeska Afrika, isla markaana xoogga lagu saarayo sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen dhalinta xeryaha qaxoogita ku nool, si la mid ah kuwa dalalka Geeska Afrika u dhashay oo kale.
Xogheyaha Fulinta ahna Madaxa IGAD ayaa faah faahiyay ujeedada shirka iyo qodobada looga hadlayo.
Hoos Ka Dhgayeso Codka Xogheyaha IGAD.