Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay Shirweynaha caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Ganeva kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey ayaa soconaya muddo labo maalin ah, iyadoona laga arrinsanayo xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka qaxootiga ah iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah.

Eng.Yarisow ayaa ku soo bandhigay shirka caalamiga ah ee qaxootiga caqabada haysta dadka barakacayaasha ku ah Caasimadda, qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dejinta barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa.

“Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii sokeeye kuwaas oo sababay barakacayaasha kumannaan qoys. Haatan waxaan ka wadnaa Muqdisho qorshe aan ku doonayno in aan nolol wanaagsan u abuurno, dib u dejinna aan ugu celino bulshada in ka badan 500,000 oo ku barakacsan gudaha Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey Beesha Caalamka muhiimadda ay u leedahay Maamulka Gobolka Banaadir in lagu gacan siiyo qorshayaasha xalka loogu raadinayo dadka barakacayaasha ah,gaar ahaan dhinacyada dib u dejinta, shaqo abuurka iyo adeegyada asaasiga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa inta uu ku sugan yahay Geneva waxa uu kulammo doceedyo la yeelan doonaan Madaxda Caasimadaha kale ee caalamka, si uu uga shaqeeyo horumarinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay Caasimadaha kale, isagoona mudnaanta siinaya sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ku salaysanaa iskaashi iyo isdhaafsiga khibradaha ee Muqdisho ay la wadaagtay magaalooyinka ugu caansan dunida

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor