Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee doorashada Koonfur Galbeed

Magalada Baydhabo ayaa saakay waxa alaga dareemayaa diyaar garoowgii u dambeeyay ee ku aadan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Magalada Baydhabo.

Ila 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,kuwaas oo qaarkood la sheegay inay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maalmihii Axadii iyo Isniintii lasoo dhaafay ayay musharixiinta kala jeediyeen khudbadahooda,iyaga oo Xildhibaanada u soo bandhigay qof walba waxyaabaha uu qaban doono hadii ay doortaan.

Xalay waxaa Baydhabo ka dhacay kulamo xod-xodasho ah oo musharixiinta ay la yeesheen Xildhibaanada koonfur Galbeed si mid walba uu isaga ugu guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka waaweyn iyo Xarumaha muhiimka ah lagu arkayaa Ciidamo isugu jira boolis iyo Millateri,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor