Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowziya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Dowlada Hoose Xamar.
Kulankan ayaa looga hadlay waxyabihii ka qabsoomay horumarinta adeegyada Caafimaadka, tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir Wasaarada Caafimaadka kala soo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda taas oo kasoo wareegatay mudo 1-Sano ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray waaxda Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar in sanadkan 2022 ay xooga saaraan sidii bulshada Caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada Caafimaad oo tayo leh islamarkaana bilaash ah.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kal hore Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kala wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda, waxaana mudadaas kasoo wareegatay muddo sanad ah..