Dagaal Culus oo ka socda degaan Shabeellow iyo Ciidamo loo diray

Dagaal Culus ayaa weli waxaa uu ka socdaa deegaanka Shabeelloow oo 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwa Galmudug, Dad shacab ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiil ku sugan Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo Gurmad ah oo ka tirsan qeybta 21-aad loo diray deegaanka Shabeelloow oo qeyb kamid ah Al-shabaab ay la wareegeen, halka dhinac kalena uu ka socdo dagaal xoogan.

Gaadiid nooca dagaalka oo ay la socdaan Ciidamada xoogga ayaa lasoo weriyay inay gaareen goobta uu dagaalka ka socdo, isla markaana Ciidanka ay doonayaan inay si buuxda ula wareegaan Shabeelloow.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana aad u adeg in xog dheeraad ah laga helo Khasaaraha, kadib markii ay Go’day Isgaarsiintii deegaanka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay si buuxda ula wareegeen Saldhiga Ciidanka Galmudug iyo deegaanka Shabeelloow oo 20-km u jira Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, ayna ku sugan yihiin halkaas.

Al-shabaab ayaa intaas kusii dartay in dagaalka lagu dilay 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Galmudug, sidoo kalena qarax miino nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo badan, kaasi oo kasoo baxay Bacaadweyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media