Dr. Xasan Shire:- “Dowladda Federalka waa inay dhowraan xuquuqda Suxufiyiinta iyo dadka ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha”

Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay Suxufiyiinta ku adag tahay amarka ay Dowladda Federalka ka soo saartay magaca ay u bixiyeen Xarakadda Alshabaab.

Dr. Xasan Shire oo caawa la hadlay Idaacadda Dalsan, ayaa sheegay in magaca Alshabaab loo yaqaano yahay magac caan ah, oo ay Maraykanka iyo Dowladaha kale ee Caalamka ugu yeeraan Alshabaab.

“Qof kasta magaca u gaarka ah waa in loogu yeeraa” ayuu yiri Dr. Xasan Shire, oo intaasi ku daray in Dowladda Federalka looga baahan yahay inay culayska saaraan dhowrista xuquuqda Muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu Dowladda Federalka ugu baaqay in caburinta laga dhaafo Suxufiyiinta, isla markaana loo madax-banaaneeyo cabirka fikirkooda iyo dhexdhexaadnimadooda.

Waxa uu intaasi ku daray in la dhowro shaqada iyo xorriyadda Saxaafadda, lana joojiyo  xayiraadaha lagu soo rogayo.

“Dowladda Federalka, ma qaadi karto mas’uuliyadda Suxufiyiinta iyo dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha, waxaana la gudboon inay marka hore sugaan ammaanka magaalladda” ayuu yiri Khabiirkaasi u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale,  Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu Dowladda Federalka ugu nasteexeeyey in Suxufiyiinta loo oggolaado inay si madax-bannaan u hawlgalaan, isla markaana  sheegaan Wararka Rasmiga ah iyo Dhacdooyinka taagan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor