Kumanaan qof oo ka kala socday qeybha Ururadda Bulshadda Rayidka iyo Mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Fagaaraha Taalladda Daljirka Dahsoon ee magaalladda Muqdisho.
Dibadbaxayaashu waxay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo looga soo horjeedo Damaca Dowladda Kenya ee Badda Somalia, laguna taageerayo Difaaca Badda iyo Berriga Somalia.
Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay Dibadbaxaasi ayaa uga mahad-celiyey Shacabka Soomaaliyeed sida qiiradda Waddanimadda leh ee ay isugu soo baxeen Dibadbax ay ku muujinayaan Dareenkooda, oo ay kaga soo hor jeedaan Damaca Dowladda Kenya ee Badda Somalia.
Waxa uu tilmaamay inaan la aqbali doonin Damaca Kenya, wuxuuna carrbka ku dhuftay inaan marnaba la boobi Karin Dhaxalka ‘Qarankeenna.
“Beec ma aha Dhaxalka Ubadkeenna, Badda iyo Berriga, cidna uma oggolaan karno Taako ka mid ah Dhulka Soomaaliyeed, waxaan dhiigeenna iyo maalkeenna u huraynaa Dalkeenna” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho waxa uu tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay Somalia ku guuleysan doonaan Dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaan marnaba gorgortan la geli Karin Milkiyadda Xuduud-baddeedka Somalia.
Sidoo kale, waxaa Dibadbaxaasi ka hadlay Mas’uuliyiin iyo Wakiilo ka tirsan Ururradda Bulshadda oo iyagu si qiireysan u cambaareeyey Damaca Kenya ee Badda Somalia.
©Radio Dalsan