Dowladdaha Turkiga iyo Masar oo wada-xaajood adeg u furmay

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ee Magaaladda Qaahira ee Caasimadda dalka Masar waxaa ka furmay Shir ay ka qeyb galayaan Wasiir-ku-xigeenada Arrimaha Dibedda ee Labada dal.

Kulankaasi oo socon doona muddo  2 maalmood ayaa waxaa uu hordhac u yahay Wada-xaajoodyo Diplomaasiyadeed oo la doonayo in lagu caadiyeeyo Xiriirka Labada dal.

Wafdiga Turkiga ka socda ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda, Sedat Onal, halka Masaaridana uu horkacayo Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hamdi Sanad Loza.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Masar, Ahmed Hafez ayaa sheegay inuu Kulankaasi sahan u yahay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka labada dal oo Go’aan tan iyo markii xilka laga tuuray  Madaxweynihii hore ee Masar,  AUN Marxuum Maxamed Mursi.

Dowladaha Masar iyo Turkiga waxay kaloo isku khilaafeen Colaadda dalka Libiya iyo Taageerada Turkiga ee Ururka Akhwaanul-muslimiinka ee Masar laga mamnuucay iyo Shidaal baarista Badda Mediterranean Sea oo ay isku khilaafsan yihiin Dowladaha Masar,  Turkiga iyo Giriiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor