Faah faahin: Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Asluubta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad ay Sarkaalka ku hor toogteen hoygiisa oo ku yaalla degmada Wadajir, waxaana uu u geeriyooday xabbado uga dhacay qeybaha sare ee jirkiisa.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana Sarkaalka lagu magacaabi jiray Aweys Cumar Salaad, sidoo kalena kamid ahaa Saraakiil xigeenada hoggaanka Warshadaha iyo wax soo saarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay halka uu falku ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Marxuumka, iyagoona halkaas ka sameeyay baaritaano kooban sida caadada u aheyd Ciidanka.

Tan iyo markii la guda galay Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka ka dhacay Caasimadda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor