Dowladda Yemen oo sheegtay amniga dalkeeda in ay khatar ku yihiin Tahriibayaasha Africa

Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yemen, Jeneral Khaalid Al-qamli ayaa sheegay in Tahriibayaasha Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa Oromadda Ethiopia inay maalin kasta iyagoo tiro badan soo gaaraan Xeebaha dalkaasi, si ay ugu biiraan Xuutiyiinta ama ay Tahriib ahaan ugu sii gudbaan Sacuudiga, Suudaan ilaa Liibiya.

Taliyaha waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta  siiyey Websaytka Khaaska ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yemen, wuxuuna xusay inay Tahriibayaasha Oromaadda si joogta ah u soo gaaraan Xeebaha Goballadda Shabwa, Laxaj iyo Abyan ee Yemen.

Waxa kale oo uu sheegay inay qaarkood ku biiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo ay u dhisaan Dhufaysyadda ama ay ka barbar dagaalamaan, halka kuwo kale ay u gudbaan Sacuudiga ama Jesiiradda Al-zahra ee dalka Suudaan oo ay kaga sii gudbaan Degmadda xeebta leh ee Qasidiin ee dalka Liibiya ilaa ay ka gaaraan Qaaradda Europe.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yemen, Jeneral Khaalid Al-qamli waxa uu sheegay inay Tahriibayaasha hub iyo daroogo ka soo tahriibiyaan Geeska Afrika, si ay ugu gudbiyaan dalalka Gobalka, sida ay xaqiijiyeen Isbahaysiga Dowliga ee saldhigiisu yahay dalka Baxrayn iyo Isbahaysiga Sacuudiga ee fariisinkooda yahay magaalladda Cdaan ee Koonfurta Yemen.

Taliyaha ma uusan soo hadal qaadin haddii ay Muhaajiriinta Soomaalida ku lug leeyihiin falalkaasi.

Bishan April 1-dii,  Shabakadda wararka u faafisa Milliteriga Yemen ee Septembernet  waxay qortay inay Milliteriga dowladda Yemen dileen 30 qof oo   Somaali ah oo ka barbar dagaalamaysay Maleeshiyadda Xuutiyiinta lagu dilay dagaal ka dhaacay dhacay Gobalka Al-daalac ee Koonfurta dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media