Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya ee KCNA ayaa saakayto sheegtay inay Dowladda Malaysia ka mas’uul tahay dilka mid ka mid ah Muwaadiniintooda iyo inay muujisay mowqif saaxiibtinimo la’aan ah.
Waxa kaloo Malaysia lagu eedeeyey inay Dowladda Koonfurta Kuurya ka talo qaadanayso xiisadda dilkii Kim Jong Nam, oo isaga bishan 13-dii la sumeeyey.
Warbixinta Wakaalladda Wararka ee KCNA waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Malaysia jebinayso Sharciga Caalamiga, isla markaana ay diideen inay soo wareejiyaan Maydka qof watay Baasaboor Diplomaasi.
Eedeymahaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Taliyaha Boliska dalka Malaysia, Khalid Abu Bakar shalay sheegay in Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Waqooyiga Kuurya ku leeyihiin Malaysia iyo Sarkaal kale udoonayaan inay wax ka weydiiyaan dilkii Kim Jong Nam oo 46-jir ahaa.
©Radio Dalsan