Dowladda Soomaaliya oo soo saaray Amar ka dhan ah Baahinta Wararka Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah soo saartay amar ka dhan ah  baahinta wararka la xiriira dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala.

Wasiir Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in la mamnuucay baahinta wararka Al-shabaab, isla markaana wuxuu tilmaamay in nuuc kasta oo war la xiriira Shabaab ee la baahiyo uu yahay fal dembiyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa xusay warbaahin kasta  ama goob kasta oo lagu baahiyo Warka Al-shabaab ay dowladda Federaalka u tahay bartilmaameed, ayna dembi tahay faafinta wararkaas.

“Waxaa la mamnuucay baahinta Wararka Al-shabaab, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Kooxdaas” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Gaba-gabadii Wasiirka ayaa sheegay in dowladda xirtay 46 barro dhanka Internet-ka oo ay Al-shabaab u adeegsaneysay faafinta wararkooda, wuxuuna intaas kusii daray hadalkiisa Wasiirka inay ku ku dabajirnaa in la xiro baro kale oo ay Website-yo ku jiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor