Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Go’aanka Mareekanka uu Liiska Argagixisada Uga Saaray Sakariye Ismaaciil

Dowladda Somalia ayaa si diirran u soo dhaweyneysa go’aanka dowladda Mareykanka ay uga saartay liiska dadka madaxooda lacagaha la dul-dhigay Zakariya Ismaaciil Xirsi oo dhawaan ka soo goostay Al Shabaab, isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ku timid wada-xaajood dhex-marey dowladaha Somalia iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaal-mariyo Zakariya Ismaaciil go’aankii uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikirka Al-shabab iyo isagoo si rasmi ugu biiray hannaanka nabadda, kuwaasoo ah shuruudihii ugu muhiimsanaa ee laga doonayo inay fuliyaan xubnaha kasoo goosanaya Al-shabaab.

“Zakariya Ismaaciil wxuuu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyay inuu shuruudahaasi buuxiyay, isagoo dhowr jeerna la hadlay warbaahinta Somalida,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale, warkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ay mahad gaar ah u celinayso dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee saaxibbada kula ah dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab iyo dib u dhiska Somalia.

“Dowladda Somalia waxay mar kale farriin u diraysaa kuwa weli ku xubnaha ka ah Al-shabaab haddii ay ahaan lahaayeen – hoggaamiyeyaal ama ragga u dagaalama in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta ay si cad u diidaan fikirka Al-shabaab markaas kadibna la siinayo fursad ay qayb uga noqdaan dib u dhiska Somalia,” ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada.

Ugu dambeyn, dowladda Somalia ayaa ballan-qaadeysaa inay taageero u fidinayso ciddii doonaysa inay Al-shabaab kasoo goosto si ay ugu soo biiraan bulshadooda, isla marakaana ay u ololeyn doonto in laga saaro liiska argagixisada caalamka ama kan Soomaaliya, sida haatanba ay ugu ololeysey Zakariya iyo Sheekh Atam.

War-saxaafadeedkaan ayaa lagu soo gaba-gabeeyay in dowladda Soomaaliya ay fareyso xubnahaas Al-shabaab ka tirsan ee doonaya inay soo goostaan in dowladda ay mar walba diyaar u tahay, go’aankoodana la dhegeysan doono, lasoo dhoweyn doono, taageerana loo fidin doono.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor