Waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayan halka lagu aasi doono Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.
Madaxweynaah Maamulka Soomaali Galbeed Mustafa Cagjar ayaa sheegay in uu guddi u saari doono aaska Marxuumka, kuwaas oo ka shaqayn doona halka lagu aasayo, waxaana la sheegayaa in ay u badan tahay in Magaalaad Muqdisho lagu aasi doono.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in marxuumka loo sameynayo aas qaran, muqdishana loo soo qaadi doono maydkiisa.