Dowladda Soomaaliya oo laba arrin ka codsatay inay Dowladda Norway ka taageerto

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugnaa magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa kulammo kala geddisan la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Norway.

Kulamada oo ay qeyb ka ahayeen Wasiiru-dowlaha arrimaha debedda, xog hayaha guud ee wasaaradda arrimaha Debedda, xoghayaha guud ee xafiiska geeska Afrika ee wasaaradda arrimaha debedda iyo xubno kale ayuu Ergaygu xoogga ku saaray sidii dawlada Noorwey ay u xoojin lahayd dedaallada wax looga qabanayo abaarta Soomaaliya.

Ergeyda ayaa ka codsaday in Norway qeyb libaax ka qaadato wax ku bixinta iyo u qareemidda gurmadka abaaraha iyo sidii ay deeq-bixiyayaasha ugu soo jeedin lahayd in wadajir looga hor tago macluul daran oo Soomaaliya ka dhacda.

Dowladda Norway oo hoos u dhigtay miisaaniyadda deeqaha ayuu ergeygu isaga oo muujinaya sida Soomaliya ay uga mahad-qabto taageerada Norway ayuu haddana xasuusiyay dhabarjabka deeq dhimistu  ay ku keeni karto natiijooyinka wanaagsanaa ee ay horseedeen kaalmodii kala duwaneyd ee dowladda Noorwey ay ku xoojisay dowlad-dhiska soomaaliya.

Sidoo kale Ergeygu wuxa uu la wadaagay xubnihii uu la kulmay, halka uu marayo kacdoonka shacabka iyo guulaha milatari ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo uu ku tilmaamay yididiilo wanaagsan oo billow u ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Gaba-gabadii Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa oo ka codsaday Norway in marka lagasoo tego taageerada dagaalka la iskaga xoreynayo Al-shabaab, sidoo kale laga taakuleeyo Dowladda Soomaaliya xasilooni kusoo dabbaalidda iyo awoodda bixinta adeeggayada bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor