Khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa maraya heerkii ugu xumaa abid, iyadoo xaaladdu si aad ah u cakirantay, waxaana si xooggan loo hadal hayaa in dagaal toos ah uu ka dhex qarxi karo labada dhinac.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay diyaar garow xooggan u sameysay, iyadoo ciidamo farabadan u soo diray deegaanno muhiim ah, ujeedkooduna yahay in Axmed Madoobe lagula dagaalamo. Dowladda Federaalka ayaa maanta ciidamo cusub geeyey deegaanka Raas-gambooni, halkaas oo ay kaga sii soconayaan qorsheyaal dheeri ah oo ku aaddan gacan ku haynta deegaannada Jubbaland, gaar ahaan Jubbada Hoose.
Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda ay qorshaynayso in ciidamo kale ay u dirto deegaamo kale oo ka tirsan gobolka, iyadoo Jubbaland ay hayso ciidamo badan oo ka howlgala.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhowaan, ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ay isku dhiibeen ciidanka Dowladda, taasoo muujinaysa in xaaladdu ay marayso meel aad u xasaasi ah. Tani waxay sii kordhinaysaa jahwareerka iyo muranka ka taagan deegaanka, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin in xaaladdu gasho dagaal dhaba.
Dowladda Federaalka ayaa todobaad gudihii ciidamo badan ku daabushay Raas-gambooni, iyadoo arrintan ay tahay qeyb ka mid ah dadaalka Dowladda ee ku aaddan xoojinta awooda dowladda ee gobollada Jubbaland. Ciidamada labada dhinac ayaa si joogto ah isku soo ruuqaansan kara, taasoo keentay in dadka xogta dhow u haya xaaladda ay ka digaan in dagaal cusub uu saacad kasta qarxi karo.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa midba midka kale u soo diray warqado waaran, iyadoo ay ka buuxaan eedeymo culus. Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay dambiyo ka dhan ah midnimada iyo amniga qaranka, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale eedeymo u jeediyay Axmed Madoobe oo ku saabsan falal ka dhan ah sharciga iyo amniga guud ee dalka.
Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana muuqata in labada dhinac ay isku dayayaan inay gacan ku haynta deegaanka iyo awooda siyaasadeed ku xoojiyaan, taasoo keentay in xaaladdu sii cakiranto. Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal xooggan uu ka qarxo gobolka, haddii xal siyaasadeed oo degdeg ah aan la helin.