Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay dalka ka ceyrisay Safiirkii dowladda Itoobiya u fadhiyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Go’aamo kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa dalka looga ceyriyay safiirkii dowladda Itoobiya ee Mukhtaar Maxamed Waare.
Qaraarka ceyrinta safiirkii Itoobiya Mukhtaar Waare ee golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la amray xiritaanka qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland, isla markaana ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay maamulka Puntland.