Dowladda Somalia oo ka hadashay duqeyntii lagu dilay Madaxii Hormuud ee Jilib

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn dhinaca cirka ah oo shalay iyada oo kaashanaya Taliska AFICOM ay fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, taasi oo la sheegay in lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Jilib Maxamuud Xaaji Salaad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu sheegay in duqeyntii shalay laga fuliyay degmada Jilib uu qorshahu ahaa in lala bartilmaameedsado xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa halkaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay Wasiir Maareeye in ujeedkooda uusan aheyn in dad shacab ah lagu dilo duqeynta ay fuliyaan Ciidanka dowladda iyo diyaaradaha Taliska Mareykanka ee AFRICA, isla markaana markii howlgalada ay fuliyaan kadib ay sameeyaan baaritaano.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda aysan heyn war sugan oo ku aadan dilka maamulihii Shirkadda Hormuud, wuxuuna xusay in xiriir lasoo sameeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hormuud, iyagoona u sheegay in Jilib looga dilay Mas’uul ka tirsanaa.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay baaritaano dhab ah ku sameeyn doonaan wararka sheegaya in duqeyntii shalay ay fuliyeen lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad.

Si kastaba qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa  lagu shaaciyay in duqeynta ka dhacday Jilib lagu dilay Sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media